Nin Burka lagu iibiyo Dukaamada Sakiin iyo masaabiir gelin jiray oo Xukun lagu riday.

Nin Burka lagu iibiyo Dukaamada Sakiin iyo masaabiir gelin jiray oo Xukun lagu riday.

daajis.com:-Ninkaan oo lagu magacaabo Nicholas Mitchell, oo 39 sano jir ah, kuna nool magaalada Dover ee state ka New Hampshire ee Maraykan ka, ayaa lagu xukumay 4 sano iyo sagaal bilood.
 
Nin kaan ayaa samayn jiray arrin waalliya, wuxuu sakiin iyo masaabiir gelin jiray bur ka. Intuu supermarkets-yada tako ayuu si tartiib ah bur ka yaalla supermarket-ka wuxuu u dhex gelin jiray sakiin ama musbaar.
 
Dad ku noolaa magaalooyinka Sanford, Maine iyo Donver ee waddanka Maraykan ka ayaa marar badan burka ay soo gataan, waxay ku arkaan sakiin ama musbaar.

 
Arrintaan oo boolis ka loo sheegay, ayaa baaritaan dheer kadib, waxay kaamirooyin Supermarkets-yada ku xiran duubeen, ninkaan oo marar badan intuu galo tukaamo oo agfariisto bur ka meeshuu yaallo, haddana kasoo baxaya tukaankii isagoona waxba gadan.
 

Ninkaan ayaa la qabtay oo baaritaan lagu sameeyay, deedna dambigii wuu qirtay. Isagoo ooyaya ayuu yiri “Aad baan uga xumahay, isma lahayn cid dhibaatee, laakiin waxaan rabaay inaa shaqadaydii ku noqdo.” Ninkaan ayaa shirkadda burkaan leh shaqada ka cayrisay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada