Qarax xildhibaano lagu dhaawacay oo ka dhacay JOWHAR

Qarax xildhibaano lagu dhaawacay oo ka dhacay JOWHAR

daajis.com:- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Kulmis ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, waxaana ka mid ah xubnahaas Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf C/qaadir Karaani, kuwaas oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka magaalada.

Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ku jira mid ka mid nabadoonada magaalada Jowhar iyo dad kale oo shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha uu weerarka qaraxa ah ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, waxaana weli socda baaritaano dheeraad ah.


Jowhar ayaa waxaa muddooyinkii  dambe ka dhacayey weeraro kala duwan oo qaarkood horay loogu beesaday xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo dhaawacyo ay kasoo gaareen.



Si kastaba, magaaladan ayaa ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada