Rooble oo shaqada ka eryay xubno ka mid ah Guddiga xalinta khilaafka doorashooyinka

Rooble oo shaqada ka eryay xubno ka mid ah Guddiga xalinta khilaafka doorashooyinka

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada.

Xubnaha Shaqadda laga ceyriyay waxaa ku jira Gudoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafka doorashada  Xuseen Laki Maxamuud.

Rooble ayaa sheegay in xubnahaan ay ku milmeen siyaasadda ayna ku fashilmeen in ay dhexdhexaad noqdaan.

Xubnahaan cusub ee shaqada laga ceyriyay ayaa tiradoodu dhan tahay 7 xubnood, waxaana lagu badalay xubno cusub.

 

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4 Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7 Maxamed Ciise Heybe.

Qodobka 2aad
Waxaa la magaacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay kamid noqdaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyagoo beddelaya xubnaha kore ee xil ka qaadista lagu sameeyay

1 Ismail Maxamed Axmed
2 Fardowsa Mataan Buulle
3 Ayaanle Axmed Cabdulle
4 Bashiir Axmed Yusuf
5 Xasan Axmed Dhicisow
6 Axmed Barre Maxamed
7 Maxamed Cawil Warsame







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada