Sawirro: Ciidanka Gorgor oo dilay xubno Al-Shabaab ah

Sawirro: Ciidanka Gorgor oo dilay xubno Al-Shabaab ah

daajis.com:- Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Gorgor ay ka sameeyeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Gorgor ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galee deegaanada Shaamgare, Mubarak iyo Jowhar yarey, waxaase iska caabin ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha guutada Gorgor Coll Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanadaas isla-markaana ay joob xoogan gaarsiiyeen.

Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howl-galka ka dhacay deegaanka Shaamgare ay ku duleen illaa 5 xubnood, kuna dhaawaceen 7 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaqyada ay haatan ka wadaan agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliso halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay wadaan abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa sare u qaaday howl-gallada lagula dirirayo Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada