War Deg Deg:- Dagaalka Boosaaso oo xoogeystay, khasaaraha jira & dhimashada +SAWIRRO

War Deg Deg:- Dagaalka Boosaaso oo xoogeystay, khasaaraha jira & dhimashada +SAWIRRO

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo weli ka soconaya magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo u dhexeeya ciidammada Amniga Puntland iyo Ciidanka Hay’adda PSF.

Dagaalka oo bilowday saacado kahor ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, kaas oo soo gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhimashadu ay gaarayso ilaa 8 ruux, halka dhaawacu uu intaas ka badan yahay.

Ciidammada Puntland ayaa xiray dhamaan waddooyinka gudaha magaalada Boosaaso, iyo kuwa soo gala magaalada, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidammo cusub lagu daabulay agagaarka Madaxtooyadda iyo xarunta ciidanka PSF.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Puntland, kuwaas oo ku aadan dagaalka ka soconaya Boosaaso.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada