Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada magaalada Boosaaso

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada magaalada Boosaaso

daajis.com:- Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal kasoo saartay dagaalka ka socda Magalada Boosaaso, iyaga oo ku eedeeyay in Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF in uu hurinaayo Colaada Magaalada Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka ay ka go’an tahay ilaalinta sareynta sharciga.

”Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxtooyada Maamulka Puntland uu dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF inay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, ayna waxay qaadayaan tallaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.

Hase yeeshee Ciidamada PSFta ayaa war ay soo saareen waxa ay ku eedeeyeen in maamulka Puntland uu burburinayo xabbad joojinta.

Qoraalka ay soo saareen PSFta ayaa uga digtey dhalinyarada ka tirsan ciidamada Puntland inaysan naftooda ku haligin maamul aan mas’uuliyadiisa garaneyn.


Ugu dambeyntii PSFta ayaa sheegtay inay ciidamadoodu ku sugan yihiin xarumahooda ayna is difaacayaan oo kaliya.

Iyadoo qoraaladan kala duwan ay soo saarayaan labada dhinac ayaa hase ahaatee waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya labada dhinac waxaana magaalada ka barakacaya shacabkii iyadoo qasaare badan uu geysanayo dagaalka u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa PSFta.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada