Beesha Caalamka oo ka hadashay Shirka ay yeelanayaan Golaha wadatashiga Qaran

Beesha Caalamka oo ka hadashay Shirka ay yeelanayaan Golaha wadatashiga Qaran

daajis.com:-  Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeysay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo qabsoomaya 27-ka Bishaan December.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Bessha Caalamka ayaa lagu sheegay inay soo dhaweeynayaan shirkaas iyo hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira.

Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.


Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa isha ku hayaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo Madaxda Soomaalida ku cadaadinaya in dalka lagu qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada