Taliska PSF-taoo ku dhowaaqday inay burburtay xabad joojiintii BOOSAASO

Taliska PSF-taoo ku dhowaaqday inay burburtay xabad joojiintii BOOSAASO

daajis.com:- Qoraal cusub oo ka soo baxay hoggaanka taliska PSF-ta ayaa waxaa looga hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, gaar ahaan dadaallada xalay dib uga dhacay gudaha magaaladaasi.

PSF ayaa ku eedeysay Puntland inay jabisay xabad joojintii lagu dhowaaqay, isla-markaana ay weerar ku soo qaaday xerada PSF, sida lagu sheegay warka ka soo baxay taliska.

Sidoo kale PFS ayaa sheegtay in wasiirada Puntland ee haatan ku sugan magaalada Boosaaso inay sii hurinayaan colaada haatan ka aloolsan magaaladaasi.

”Wasiiradii ay dowladdu usoo xil-saartay arrintaan waxay sii hurinayaan colaadda iyo barakicinta shacabka, waxaa sii socda dhiig-baxa shacabka iyo Ciidanka Puntiand,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale PFS ayaa shaacisay in haatan ay ciidamadeeda ay ku sugan yihiin gudaha xerada, waxayna uga digtay kuwa Puntland inay soo weeraraan halkaasi.

“Waxaan oga digaynaa dhallinyaradda Ciidamadda kala duwan ka tirsan ee lasoo marin habaabinayo inaysan naftooda u biimeyn shaqsi aanan garanayn culeyska ay leedahay masuuliyadda. PSF waxay ku sugantahay xarunteedii, weyna is-difaacaysaa, waxayna ku kalsoontahay shacabk,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka PFS.

Hadalkan ayaa daba socda eedeyn ay goordhoweyd madaxtooyada Putland u jeedisay PSF-ta oo ay sheegtay inay colaad kasii hurineyso magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.


Si kastaba, hadallada kul kulul ee ay labada dhinac isku marinayaan warbaahinta ayaa uga sii daraya xiisadda Boosaaso, waxayna caqabad ku yihiin wada-hadallada haatan billowday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada