Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf oo gurigiisa lagala baxay kadibna la gowracay

Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf oo gurigiisa lagala baxay kadibna la gowracay

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa ka dhacay bartamaha degmadaasi, iyada oo lagu beegsaday mas’uul ka tirsan Koonfur Galbeed, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay gurigiisa kala baxeen guddoomiyihii maxkamadda Buurhakaba, Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf, kadibna ay ‘gowraceen’.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku khaarijisay Manuur Sheekh Yuusuf oo ahaa guddoomiyihii maxkamadda Buurhakaba.

War laga sii daayey Idaacadda Andaluus ee ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay gudaha u galeen degmada, kadibna ay dileen madaxii garsoorka ee Buurhakaba.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo la xiriira weerarkaas ay guusha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay dhankooda howl-gallo ka bilaabeen magaalada, iyaga oo baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi uu dilku ka dhashay.




Buurhakaba ayaa ka mid ah degmooyinka waa weyn ee gobolka Baay, waxaana inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada