Biden oo shacabka Mareykanka uga digay halista Omicron

Biden oo shacabka Mareykanka uga digay halista Omicron

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay bixin doonto ilaa 500 oo milyan oo ah qalabka leysaga baaro COVID-19, taageero ballaaran oo loo fidinayo isbitaallada iyo in la laba laabo dadaallada tallaalka lagula dagaallamo cudurka.

Arrintaan waxay ka danbeysay kaddib marki uu Mareykanka aad ugu baahay nuqulka cusub ee Omicron ee cudurka Covid-19.

Hadal uu ka jeediyay Tallaadadi xarunta Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay, in bilaha jiilalka ee qaboowga ee foodda nagu soo hayo uu xanuunka si aada ah u sii fidi doono, taasoo khatar ku ah buu yiri dadka aanan ka tallaalneyn COVID-19.

Dalalka kale ee caalamka ee uu xanuunka kusii fidayo ayaa waxaa ka mid ah Ingiriiska, iyo qeybo ka mid ah Yurub. Dalalka Germany, Scotland, Ireland, Netherlands iyo South Korea qeyb ahaan ama guud ahaan ayay dalalkoodu kusoo rogeen xayiraadda ka hortagga faafista COVID-19 nuqulkiisa Omicron.




Tan iyo inti uu billowday COVID-19, wuxuu ku dhacay dad ka badan 274 million oo ruux guud ahaan caalamka. Halka dadka uu dilay ay gaarayaan 5.65 million oo ruux.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada