Wasaaradda Amniga oo NISA ka dalbatay soo gudbinta sababta loo xiray Muqtaar Roobow

Wasaaradda Amniga oo NISA ka dalbatay soo gudbinta sababta loo xiray Muqtaar Roobow

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo muddo sanado ah u xiran, kaas oo laga soo qabtay Magaalada Baydhabo, xilli uu ahaa musharax Madaxweynaha Koonfur Galeed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxaa faray kusimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka in si deg deg ah uu usoo gubdiyo xogta la xiriirta sababta loo xiray Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale warqadda waxaa lagu sheegay in qoyskiisa ay cabasho ka muujiyeen xaaladdiisa caafimaad, sidaa darteed ay doonayaan inay caddaalad helaan.

“Maadama ay si joogta ah ula soo xiriirayeen ehelada iyo wakiilada metala doorasheedka uu kasoo jeeo ayaga oo ka cabanaya in laga warheyn caafimaadkiisa iyo badqabkiisa, sidoo kale dalbaday in loo helo cadaalad maadama uu xiran yahay muddo aad u dheer” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaasaradda amniga ee Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.


Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Roobow.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada