AFRICOM oo ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho baaqna u dirtay ciidamada

AFRICOM oo ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho baaqna u dirtay ciidamada

daajis.com:- War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo  AFRICOM  ayaa si kulul uga hadlay xiisadda Soyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho taas oo u dhaxeeysa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu baaqay in la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed, sidoo kalena ay taageerayaan baaqa Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya.

” Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa si buuxda u taageeraya saaxiibadayada caalamiga ah, iyaga oo ku baaqaya in la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa lagu yiri” Qoraalka AFRICOM.

Sidoo kale Taliska AFRICOM ayaa ugu baaqay Ciidamada dowladda  Soomaaliy in ay diiradda saaraan khataraha amniga ee kooxaha argagixisada ah ee ugaarsada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.


Beesha Caalamka ayaa waxaa ay isha ku heeysaa khilaafka siyaasadeed ee kajira Soomaaliya, waxaana ay soo saarayeen saacadihii la soo dhaafay qoraalo aad u kulul, kuwaas oo ku wajahan Madaxda qaar ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada