Wasiirka Wasaaradda Amniga Taliyaha Ciidanka Badda oo la Amray in uu dalka ka bixi karin

Wasiirka Wasaaradda Amniga Taliyaha Ciidanka Badda oo la Amray in uu dalka ka bixi karin

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu u diray Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya & Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde  ku amray  in aanu safri karin Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir

Sida qoraalka lagu sheegay Cabdixamiid ayaa qorsheynaya inuu dalka uga fakado si degdeg ah ayada oo loo heysto eedeymo iyo xadgudubyo waa weyn oo uu ku kacay sida ku xadgudubka Madaxda qaranka.

“Hadaba si loola xisaabtamo sarlkaakaas fursadna loo siiyo muwaadiniintaas xaqu ka maqan yahay in ay usoo gudbiyaan cabashadooda hay’adaha garsoorka sarkaalkaasi kama safri karo dalka ayaa lagu yiri” Warqadda kasoo baxday Wasiirka Amniga.


Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dhawaan Warbaahinta kasoo muuqday, isaga oo sheegayay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu boobayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda.

 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada