Turkiga iyo Qadar oo ku heshiiyey inay si wadajir ah u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul

Turkiga iyo Qadar oo ku heshiiyey inay si wadajir ah u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul

daajis.com:- Saraakiisha Taalibaan ee Afghanistan ayaa Jimcihii xaqiijiyay in ay kala hadleen wafdi wadajir ah oo ka socda Turkiga iyo Qatar sidii shirkado ka socda labada dal ay u maamuli lahaayeen garoomada diyaaradaha ee Kabul iyo magaalooyinka kale ee Afghanistan.

Wadahadalladan ayaa yimid iyadoo beesha caalamku ay raadinayso habab kor loogu qaadayo gaarsiinta gargaarka bini'aadanimo ee degdegga ah ee looga baahan yahay Afghanistan, halkaas oo malaayiin qof ay wajahayaan gaajo daran.

Afhayeenka wasaaradda gaadiidka ee Taliban Imamuddin Ahmadi ayaa VOA u sheegay wadahadal horudhac ah oo ay la yeesheen koox wadajir ah oo ka kooban shirkado Turki iyo Qatar ah la qabtay Khamiistii.

Waxa uu sheegay in kulamo kale la qorsheeyay horraanta todobaadka soo socda, balse ilaa hadda wax heshiis rasmi ah aan la gaariin.

Kahor inta aysan u safrin Kabul toddobaadkan, shirkadaha Turkiga iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ay ku maamulayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada "oo ku saleysan iskaashi siman," sida ay Khamiistii werisay warbaahinta Turkigu.


Axmadi waxa uu sheegay in garoomada kale ee ay wadahadallo kula jiraan wafdiga Turkiga iyo Qatar ay ku yaalaan gobollada Afgaanistaan ee Balkh, Herat, Kandahar iyo Khost.



Ankara, ayaa oggolaatay inay sugto ammaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul kadib markii ay Taliban la wareegeen dalkaasi bartamihii bishii Ogosto markii ay si lama filaan ah ciidamada shisheeye ee uu horkacayay Mareykanka ay uga baxeen dalkaas.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada