XOG: Guddoomiyaha Guddiga Doorashada oo lagu cadaadinayo inuu is-casilo iyo Guddiga oo ku qeybsan

XOG: Guddoomiyaha Guddiga Doorashada oo lagu cadaadinayo inuu is-casilo iyo Guddiga oo ku qeybsan

daajis.com:- Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa lagu cadaadinayaa inuu xilka iska casilo, kadib markii ay xubno ka tirsan Guddiga ku eedeeyeen inuu kala qeybiyay Guddiga.

Arrintan ayaa soo baxday markii uu Cirro ku lug yeeshay qorshe lagu doonayay in looga hor yimaado xil ka qaadistii Ra’iisal wasaare Rooble ku sameeyay 7 xubnood oo ka mida Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Dadban, kaasoo fashilmay.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Heer federaal ayaa Guddoomiye Cirro ka dalbaday inuu xilka iska casilo ama ay tallaabo qaadi doonaan, balse waxaa la sheegay inuu ka biyo diiday, taasookeentay in uu dhaqdhaqaaq ka dhex bilowdo Guddiga dhexdiisa.

Guddoomiye Cirro ayaa taageero ka heysta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka horjeeda xubno ka tirsan Guddiga oo ku dhow kala bar, waxaana si cad u soo shaac baxday khilaafka kala qeybiyey Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FIET oo hadda qarka u saaran inuu laba qeybood u kala jabo.


Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu soo farageliyo khilaafka ka taagan guddoomiyenimada Guddiga Doorashada Heer Federaal, iyadoo aan la ogeyn inuu xilka ka qaadi doono iyo in kale.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada