XASAASI: Fahad Yaasiin oo beeshiisa la shiray & natiijada kulanka kasoo baxday

XASAASI: Fahad Yaasiin oo beeshiisa la shiray & natiijada kulanka kasoo baxday

daajis.com:- Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warqaad ayaa sheegaya in odayaal & waxgarad kasoo jeeda beesha reer aw xasan la kulmeen Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa ku saabsanaa jagada xildhibaanimada beesha in sanadkaan la siiyo Fahad uuna codsaday iyaguna odayaasha ay ballan uqaadeen in lasoo saaro.

Kursigaasi waxaa ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir hase ahaatee sanaadkaan waxa uu la kulmayaa cadaadis weyn oo kursigaasi ah.

Lataliyaha Amniga qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo bishii September magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa lacag badan ku bixinaya sidii kursiga xildhibaanimada loo siin lahaa.

Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Farmaajo ayaa doonaya in Fahad,Kulane & Xubno kale oo aad ugu dhaw Xafiiskiisa Xildhibaan lagu soo saaro iyadoo la adeegsanayo dhaqaale badan.


Hore waxaa lagu guuleystay in kusimaha agaasimaha Hay’ada NISA Gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Fareey ayaa xildhibaanimo lagu soo saaray deegaan doorashadiisa Galmudug oo dhuuso mareeb lagu qabtay balse waa la hakiyey natiijada doorashadaasi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada