Xisbiga Mucaaradka Himilo Qaran oo caddeeyey mowqifkiisa Doorashadu waa inay socoto haddii..

Xisbiga Mucaaradka Himilo Qaran oo caddeeyey mowqifkiisa Doorashadu waa inay socoto haddii..

daajis.com:- Xisbiga Mucaaradka ee Himilo Qaran, isla-markaana uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyey mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka socda ee 2021.

Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Suleymaan Maxamuud Xaashi oo u warramay Universal TV ayaa shaaciyey in aysan marnaba raalli ka aheyn doorashada boobka ah, balse haddii la saxo qaladaadka ka jira hannaankeeda ay soo dhoweynayaan inay sii socoto doorashada.

“Doorashada boobka mana aqbaleyno waan diidanahay, laakiin haddii doorashada la saxo oo mida aan annagu dooneyno oo danta saxda ahna ay ku jirto doorashada inay socoto weeyey,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri guddoomiyaha guud Xisbiga Himilo Qaran.

Suleymaan oo wax laga weydiiyey arrinta Musharixiinta Mucaaradka ayaa beeniyey inay ka Xisbi ahaan ka baxeen golahaasi wuxuuna yiri “Meel aan annaga ku iclaaminay ama aan kaga baxnay haddii ay qoraal tahay iyo haddii af-tahayba oo Midowga Musharixiinta u sheegnay inaanu ka baxnay ma jirto,”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay qeyb ka yihiin shirka wada-tashiga ee goluhu qabanayo, isla-markaana waxa uu tilmaamay in looga arrinsanayo aayaha doorashada.

“Shirka waa loo ballansan yahay ka mid baanu nahay, waana ka qeyb-galeynaa,” ayuu markale yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kulankii ay la qaateen ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray walaaca ka dhashay shirkaasi, isaga oo tilmaamay in aanu ka duwaneyn kulamadii hore oo ay xubnaha mucaaradka la qaateen R/W Rooble.

‘Horay waa loola shiray oo xubno ka mid ah Midowga Musharixiinta iyaga oo jamaacaa waa la shireen, iyaga oo kali kali ahna waa la shireen, Annaguna inaan la shirno waxay kaga duwan tahay shirarkii hore oo lagu raadinayey in doorashada lagu saxo ma garanaayo wixii aan ka wada-hadalnana waan sheegnay oo qarsoodi ma aheyn,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn waxaa su’aal laga weydiiyey hadii uu jiro xiriir gaar ah oo ay la leeyihiin Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haba yaraatee uusan jirin wax xiriir ah oo haatan kala dhexeeyo Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo waa madaxweynaha hadda xilkiisu dhammaaday oo kursiga fadhiya waa ka aragti duwanahay Xisbi Mucaarad ah ayaan nahay, haba yaraatee wax xiriir ah oo naga dhexeeyo ma jiraan,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey guddoomiyuhu.


Jawaabta Himilo Qaran ayaa kusoo aadeyso, xilli maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in Sheekh Shariif iyo xubnaha kale ee Golaha Midowga Musharixiinta uu soo kala dhex-galay mad-madow ka dhashay ku kala aragti duwanaashaha go’aamada qaar ee ay goluhu soo saareen, kadib markii ay ku baaqeen in la hakiyo doorashada, shirna la qabto






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada