Madaxweynaha dowladda Soomaaliya FARMAAJO oo u baxay safar dibadeed iyo Ujeedka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya FARMAAJO oo u baxay safar dibadeed iyo Ujeedka

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u baxay safar dalka dibaddiisa ah, gaar ahaan dalka Turkiga, sida ay goordhow shaacisay Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo qabanayo shirweynihii saddexaad ee Turkiga iyo Afrika, kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah beri uga furmo gudaha magaaladda Istanbul ee wadankaasi.

“Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ka qeyb-galayaan 13 madaxweynayaal Afrikaan ah oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan ku sii jeeda Turkiga.

Sidoo kale xubno ka kala socda 9 waddan ayaa lagu casuumay shirkaasi oo ku soo aaday, xilli haatan aad loo iibsanayo diyaaradaha Droneska Hubeysan ee lagu farsameeyo Turkiga.

Sida ay shaacisay madaxtooyada Turkiga shirkan oo ka dhacaya  xarunta shirarka ee Istanbul Congress Center ayaa socon doono muddo laba cisho ah, iyadoona ay khudbado ka jeedin doonaan madaxda kala duwan ee ka socda Afrika, laguna casuumay madashaasi.

Erdogan ayaa haatan si weyn ugu ololeynayo in suuq loo helo diyaaradaha Droneska ee dalkiisa uu soo saaro, wuxuuna khudbad ka jeedin doono shirka Afrika iyo Turkiga.




Si kastaba, Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada aadka ay isugu dhow yihiin Turkiga, marka loo eego Afrika, wuxuuna ku leeyahay saldhig ballaaran, isagoo sidoo kale ka qeyb-qaata dib u dhiska ciidamada Xoogga oo uu siiyo tababaro dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada