Villa Soomaaliya oo muqaalo dukumentiri ah la wadaagtay Turkiga

Villa Soomaaliya oo muqaalo dukumentiri ah la wadaagtay Turkiga

daajis.com:- Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa Xarunta Guud ee Warfaafinta Madaxtooyada Dalka Turkiga ee Ankara waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa Warfaafinta Dalka aan Walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Fahrettin Altun.

Labada Agaasime ayaa ka wada hadlay wadashaqaynta iyo xoojinta xiriirka Laamaha Warfaafinta heer Madaxtooyo ee labada dal, tayaynta iyo horumarinta wacyiga weriyeyaasha ee xilliga doorasha, iyaga oo isla meel dhigay qorsheyaal kor loogu qaadayo cilaaqaadka ku dhisan walaalnimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.


Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa la wadaagay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Turkiga muuqaallo Dokumenteri ah oo uu diyaariyey Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia, kuna tarjuman afka Turkiga, oo ku saabsan toban sano guurada dib-u-curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. muuqaalka filimkan ayaa la qorshaynayaa in lagu baahiyo warbaahinta dalka Turkiga.


Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa magaalada Istambuul kaga qayb galay Shirweynaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta, isaga oo ku bogaadiyey Mudane Fahrettin Altun doorka hoggaamineed ee uu qaatay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada