Yoweri Museveni Somalia iyo Kenya laga soo abaabulay qaraxyadii Kampala

Yoweri Museveni Somalia iyo Kenya laga soo abaabulay qaraxyadii Kampala

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bixiyey macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaraxyadii khasaaraha geystay ee dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi.

Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaas oo labo ahaa laga soo abaabulay gudaha wadamada Soomaaliya iyo Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay heleen caddeymo ku aadan weeraradaas iyo inay soo diyaariyeen kooxo iska soo abaabulay Soomaaliya Kenya.

“Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli laamaha ammaanka ay daba-gal iyo baaris ku hayaan ragga soo qorsheeyey weeraradaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan oo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo u badan dad rayid ah.


Kampala ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah oo khasaare dhaliyey, waxaana Uganda ay ka mid tahay wadamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada