XOG: Madax goboleedyada oo MOWQIF isku mid ah ka qaatay guddiga doorashada

XOG: Madax goboleedyada oo MOWQIF isku mid ah ka qaatay guddiga doorashada

daajis.com:- Dhawaan guddiga doorashada ee heer federaal ayaa laalay natiijada doorashada labada kursi ee Hop103 iyo Hop154, Sareeda Maxamed Cabdalla oo horay ugu fadhisay ayaa soo qaadatay mid ka mid ah kuraastaan, halka kan labaad laga xoogay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Labadaan kursi waxaa laga soo doortaa Koonfur Galbeed, go’aanka guddigu uu ku diiday doorashada labadaas kursi ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, waxaana lagu tilmaamay albaab cusub oo u furmay xalka doorashada Soomaaliya.

Go’aankaan waxaa loo arkay mid hor istaagi kara kuraas hor leh oo la qorsheynayey in la boobo, laakiin waxaa hadiiba soo ifbaxday in madaxda dowlad goboleedyada ay si weyn uga biya diidan yihiin in guddiga doorashada uu awood u yeesho in natiijada kursigii uu doono uu diidi karo iyo in uu amri karo in lagu celiyo doorashadiisa.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in doodaas aysan ku ekeyn hoggaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo hadda lagu dhegan yahay kuraas ay soo xuleen, balse waxaa ka mideysan dhamaan hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada dalka .

Si gaar ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan olole ka dhan ah awooda guddiga doorashada heer federaal.

Dhowr siyaasi oo ay rabaan inay kuraasta u boobaan ayaa la sheegay in labadaas hoggaamiye ay miiska u saaran yihiin, taas oo waxaba kama jiraan ka dhigi doonta hadii guddiga doorashadu uu sii heysto awoodaan.

Saciid Deni oo musharax ah waxaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu meesha ka saaro dhamaan xubnaha aysan isku siyaasadda aheyn.

Madaxda maamullada oo diidan in guddiga doorashada uu yeesho awood uu ku buri karo natiijada doorashada kurigii uu doono, ayaa hadda u dagaalamaya dantooda shakhsiga ah iyo in dad hor leh doorashada lagu dulmiyo oo kuraastooda la xoogo.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay madaxda maamullada ayaa soo jeediyey in awooda kuraasta la diidaayo loo dhaafo madaxda golaha wadatashiga qaran, si ayagu ay go’aan uga gaaraan kuraasta uu muranku ka taagan yahay.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay qabaan dood ah in guddiga doorashada ay ku xoogan yihiin xubno ka yimid dhinaca Villa Somalia, sidaas darteed waxaa u sawiran in kuraas badan lagu soo celi doono.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa la sheegay in wax dhib ah uusan ku qabin in guddiga doorashadu uu xaqiijiyo, islamarkaana uu qabo in guddiga loo madax-baneeyo howshiisa xaqiijinta hufnaanta doorashada.

Xubin ka mid ah guddiga doorshada heer federaal ayaa sheegay in cidda ka walaacsan howshooda ay tahay madax goboleedyada, balse Ra’iisul wasaaruhu uu ku qanacsan yahay sida haatan ay wax u socdaan.

Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay ku guuleystaan loolanka ay ugu jiraan in la daciifiyo awooda guddiga doorashada, waxaa iska cad in kuraas badan la boobi doono.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxaa ku adkaan doonta inuu xakameeyo boobka kuraasta, xalka ugu dhowna waa in Rooble difaaco guddigaan oo iyaga loo dhaafo go’aanka muranka ka dhasha kuraasta.

Haatan guddiga doorashada heer federaal ayaa wajahaya tijaabo la xariirta awoodiisa, hadii labadaan kursi oo ay diideen go’aanka ay ka gaareen aan loo hogaansamin, waxay ka dhigan tahay in guddigaan uusan sii shaqeyn karin.


Awooda kaliya ee u hartay guddiga doorashada heer federaal waa go’aan ka gaaridda iyo xaqiijinta hanaanka loo maray xubnaha la doortay, balse hadda waxaa muuqata in kaalintaasna lagu heysto.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada