Baarlamaanka Faransiiska: Shiinuhu Xasuuq ayuu ku hayaa Uyghurs-ka

Baarlamaanka Faransiiska: Shiinuhu Xasuuq ayuu ku hayaa Uyghurs-ka

daajis.com:- Dawladda Shiinaha ayaa cambeeraysay qaraar uu Jimcihii soo saaray baarlamaanka Faransiisku, kaas xukuumadda Beijing ku eedeeyey inay xasuuq kula kacday shakabkeeda Muslimiinta ah ee Uyghur-ka. Tallaabadan ayaa xiriirka labada dal xumeysay ka hor labo toddobaad xiliga ay bilaabanayaan ciyaaraha Olimbigga Jiilaalku.

Qaraarkan ayaa ka mid noqonaya qaraaro ay soo saareen dalalka reer galbeedka, kuwaas oo Beijing ku cambaareeyey in ilaa hal milyan oo Uyghurs ah ay ku hayso xeryo loo sameeyey. Qaraarka baarlamaanka Faransiiska ayaa qoray “Gacan-ka-hadalka ay Dawladda Shiinaha Dadku kala hortagayso Uyghurs-ka waa dambiyo laga galay bani’aadanimada, waana xasuuq.”

Baarlamaanka Faransiiska ayaa ku biiraya baarlamaanada Canada, Holland, Britain, iyo Belgium, kuwaas oo sharci-dejiyeyaashu ay meel mariyeen qaraaro kan Faransiiska la mid ah. Dawladda Maraykanka ayaa iyaduna si rasmi ah ugu eedaysay Shiinaha xasuuqa ka jira galbeedka gobolka Xinjiang.

Hase yeeshee, dawladda Shiinaha ayaa diidday eedahaas loo soo jeediyey.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada