Booliska Kenya oo Saraakiil looga dilay weerar ka dhacay

Booliska Kenya oo Saraakiil looga dilay weerar ka dhacay

daajis.com:- Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa degaannada  Kullan iyo Liboi gaar ahaan meel lagu magacaabo wara cadcad oo qiyaastii 17 kiiloomitir u jirta magaalada Liboi, waxaana lagu dilay Afar kamid ah Saraaliisha Ciidamada Booliska Kenya.

Saraakiiaha la dilay ayaa kamid ahaa booliska keydka ee KPR-ta ee deegaanka Dadaab, waxaana la rumeysan yahay inay weerarkaasi ka dambeeyeen burcadda jidka gasha oo bartilmaameedsaday baabur ay saarnayeen ciidamada dhintay oo xilligaasi gudanayay waajibaadkooda shaqo.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Ammaanka Kenya ayaa gaaray halka uu weerarka ka dhacay , iyaga oo wada baaritaano la xiriira sidii loo aqoonsan lahaa ama Gacantaoogu soo dhigi lahaa.

Dhowr jeer ayaa waxaa weeraro ay ka dambeeyeen Kooxo burcad ah ka dhaceen Jidka isku xira Dadaab iyo Liboi, kuwaas oo dadka wadada isticmaalaya dhac iyo dil u geeysanaya.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada