Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil Ma dhici karto in Fahad Yaasiin uu Beledweyne yimaado

Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil Ma dhici karto in Fahad Yaasiin uu Beledweyne yimaado

daajis.com:- Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadashay safar la qorsheenayo inuu Beledweyne ku tago agaasimihii hore ee Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaajir Daahir.

Hooyo Qaali ayaa sheegtay in Fahad Yaasiin uusan imaan karin magaalada Beledweyne si uu u helo xil uu ku dhuunti sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa Beledweyne usoo socdo Fahad Yaasiin oo doonayo inuu helo xil uu ku dhuunto ma imaan karo, dalka wuxuu ku dhisan yahay 4.5, aniga iyo Gabadheedana waxaan kasoo jeednaa laba beel oo ah kuwa ugu weyn ee daga Hiiraan,” ayey tiri.

Hooyo Guhaad ayaa Beesha Gaaljecel oo ay gabadheeda ka dhalatay ugu baaqday inaysan aqbalin inuu Fahad Yaasiin hal habeen ku hoydo Beledweyn.

“Gabadheeda waxay kasoo jeedaa Beesha weyn ee Gaaljecel oo ah Beesha haddii Geel laga dhacdo uusan hal habeen mooro kale ku hoyan, sidee u aqbali karaan in Fahad Yaasiin oo gabadhooda ay ku maqantahay inuu yimaado Beledweyne,” ayey sii raacisay.

Waxay sii raacisay “Anigana waxaan ka dhashay Beesha Xawaadle oo ah Beel uusan cadowgeeda waligiis ilibin ka qaadan, mana aqbalayaan inuu Fahad yimaado Beledweyne.”

Hadalka hooyo Qaali ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada 25 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana Kuraasta lagu qabanayo kamid ah midka uu u tartamayo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa muddo dhowr bil ah lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA, taasi oo iyadana sheegtay inay afduubatay oo dishay Kooxda Al-Shabaab.

Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.

Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada