DAAWO: Puntland “Galmudug waxaa laga rabaa inay soo qabato Raggii Gaalkacyo ku dilay saraakiisha Puntland”

DAAWO: Puntland “Galmudug waxaa laga rabaa inay soo qabato Raggii Gaalkacyo ku dilay saraakiisha Puntland”

daajis.com:- Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug inuu soo qabto raggii ka dambeeyay dil koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay labo sarkaal oo kamid ah ciidammada Puntland.

Guddoomiye Sanyare oo saxaafadda kula hadlay Gaalkacyo, ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay habeenkii khamiista magaalada Gaalkacyo ay aheyd nasiib darro aad u weyn, ayna ka go’an tahay maamulada gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug in lasoo afjaro kuwii ka dambeeyay.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay dhankeeda soo qabatay koox dil kasoo geystay koonfurta Gaalkacyo, kana soo jeeda Waqooyi Gaalkacyo, sidaas si lamid ahna looga baahan yahay Galmudug inay soo qabato, isagoo intaas ku daray in la maxkamadeyn doono.




Dadka magaalada Gaalkacyo, ayuu ugu baaqay Guddoomiyaha gobalka Mudug in laga digtoonaado falalka amniga wax u dhimaya ee ay soo maleegayaan Argagixisadu, ayna la shaqeeyaan maamulada labada dhinac.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada