Farxaan Qaroole iyo Cumar Filish oo go’aan culus ka qaatay Banaabaxa mucaaradka

Farxaan Qaroole iyo Cumar Filish oo go’aan culus ka qaatay Banaabaxa mucaaradka

daajis.com:- Duqa Magaaladda Muqdisho oo Fulinaya rabitaanka Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa sheegay in Ciddii qabata Bannaanbax loo aqoonsan doono iney kasoo hor jeedaan nabadda qalqalna galinayaa Ammaanka Xamar, wuxuuna yiri ma aqbalayno Bannaanbax.

Waxaa kaloo isaguna fadhiyey goobta shirka, Farxaan Qaroole Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir oo warkaas ku raacay Cumar Filish Duqa Muqdisho islamarkaana u hanjabay dadka shacabk ah.

Fiqi oo kamid ah Mucaaradka ayaa ah qabanqaabiyaasha waaweyn ee Bannaanbaxaas kamid ah iyo waliba dhalinyaro hal door ah.

Waxaa dhanka kale xusid mudan in xukuukumadda Soomaaliya ay raali katahay banaabaxan islamarkaana ay gadaal ka riixeyso.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Banaabaxan uu kusoo aadayo xili uu khilaaf u dhaxeeyo Farmaajo iyo Rooble.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada