Puntland oo qabatay koox ka shaqeynaysay tahriibinta dhalinyarada

Puntland oo qabatay koox ka shaqeynaysay tahriibinta dhalinyarada

daajis.com:- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in halkaas lagu qabtay shabakad isku xiran, oo ka ganacsaneysay tahriibinta dhalinyarada.

Laamaha Amniga Puntland ayaa sida la sheegayo gacanta ku dhigay hoggaamiyihi shabakaddaas iyo xubno la socday xilli ay doonayeen in ay dhalinyaro ka daabulaan Boosaaso.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dowladdu la wareegtay doonyo iyo gaadiid kale oo kooxdaas ku daabuli jireen dhalinyarada, si loogu tahriibiyo ilaa la gaarsiiyo ma-gafayaal ku sugan Yemen iyo Liibiya.

Laamaha Amniga Boosaaso weli faahfaahin kama bixin hawlgalkaas, mana soo bandhigin kooxdaas Boosaaso lagu qabtay







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada