Update: Abaabul ka socda Xafiiska Md Farmaajo & qorshaha la diyaarinayo

Update: Abaabul ka socda Xafiiska Md Farmaajo & qorshaha la diyaarinayo

daajis.com:- Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh taas oo lasoo warinayo in qorsheyaal cusub la dejinayo.

Madaxweynaha ayaa xalay ka hor yimid tallaabadii uu shalay R/wasaare Rooble qaaday ee aheyd lacagtii imaaraat-ka laga xanibay Afar sano ka hor uu ufasaxay in ay la bixi karaan.

Farmaajo ayaa amar dul dhigay Gudoomiyaha Bankiga dhexe isagoo faray in aan lacagtaasi oo gaareysa kudhawaad 10 milyan dollarka mareykanka aan la bixin karin.

Siyaasiyiin ka ag dhaw Madaxweynaha ayaa sheegay in ay socdaan qorshe lagu magacaabo R/wasaare Cusub kaas oo bedel unoqonaya Maxamed Xuseen Rooble.

Suurta galnimada waqtiyada soo aadan ayaa la sheegay in lagu dhawaaqo R/wasaaraha si uu howsha doorashada meesheeda uga sii wado maadaama Rooble lagu eedeeyey dhul dan guud ah uu dhisanayo islamarkaana howshii loo xilsaaray wax aan aheyn uu faraha la galay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa latashiyadii udambeeyey la yeelanaya dhinacyada ka ag dhaw si loo soo saaro digreetada magacaabida R/wasaaraha cusub iyadoo la ogeyn xaalada dalka ay gelin karto.


Sida la saadaalinayo R/wasaare ayaa loo magacaabi doonaa mid ka mid ah shakhsiyaadka udhaw Madaxweyne Farmaajo waxaana macquul ah in Cali Maxamed Geedi la magacaabo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada