Dowlada Kenya oo dib u fureysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Dowlada Kenya oo dib u fureysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya

daajis.com:- Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay si rasmi ah u furi doonto xudduudka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay saraakiisha waddankaasi cabsi ka muujiyeen in Al-Shabaab ay badeecado shar-cidarro ah dalkaasi soo galiyaan oo ay ka helaan dhaqaale.

Gudoomiyaha gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya Nicodemus Ndalaa ayaa waxa uu
sheegay in guddiga amniga qaranka Kenya
ay go’aan ku gaareen in dib loo furo
xuduudka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya si loo fududeeyo safafarka Caasimadaha labafa dal ee Muqdisho iyo  Nairobi.

Mar  uu ka hadlayay guddoomiyaha munaasabadda furitaanka degmada Cusub ee Cali Duqur wuxuu sheegay in Mandheera ay noqon doonto meesha ugu horreeysa ee laga furo xuduudka ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya igo Kwnya  si dadka Soomaaliyeed ee xuduudka ku sugan ay u helaan adeegyada muhiimka ah.

“Dhawaan waxaa noo qorsheysan inaan in furno Mandheera, Libooyo ayaan ku xijin doonaa, ka dibna Kiyuumi saddex barood ayay noqon doona goobaha xuduudka ah ee laga soo galayo Kenya,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in qiimeyn lagu sameeyn doono si looga fiirsado degaannada weli xiran si looga feejignaado weerarada ay Al-Shabaab ka geystaan Gobolka oo ah kiwa kordhay.

Soomaaliya gaar ahaan degaannada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Kenya, kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM, balse weli degaannada Gobolka Waqooyi Bari ay ka dhacayaan weeraro ay fulinayaan Ururka Al-Shabaab.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada