Daawo:- Ciidamada Booliska oo soo bandhigey guri lagu abuuray Maandooriyaha Xashiishada

Daawo:- Ciidamada Booliska oo soo bandhigey guri lagu abuuray Maandooriyaha Xashiishada

daajis.com:- Ciidamada Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee Degmada Howlwadaag ku soo qabtay rag ku abuuray xashiish guri ay degenaayeen.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Booliska oo qaaday howlgal qorsheeysan ay gacanta ku dhigiin Beer lagu tallaalay dhirta Xashiishadda nooca ugu qatarsan ee Murjawaanaha iyo Haamo lagu farsameynayay Calaqa iyo dadkii ku howlanaa.

“Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay dadweynaha ku nool dagmada Howlwadaag oo marwalba lasoo wadaago ciidanka booliska xogta qatarta ku ah amaniga iyo bulshada deegaanka, taas oo boolisku har iyo habeenba u taaganyahay in ka badabaadiyo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada