Puntland oo War kasoo saartay dagaal dhexmaray labada Maleeshiyo Beelood

Puntland oo War kasoo saartay dagaal dhexmaray labada Maleeshiyo Beelood

daajis.com:- Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay dagaal laba maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray deegaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye, kuwaas oo kuyaalla inta u dhaxeeysa Gobolada Sool & Nugaal.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta waxaa uu marka hore ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay dagaalka halka uu Caafimaad Alle uga baryay kuwa ku dhaawacmay.

Waxaa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye inay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, isaga oo cadeeyay inay yihiin dad walaalo ah aadna uga xun yihiin inay dagaalameen.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland wuxuu ugu baaqay Isimada Puntland ay Colaadaas xal u raadiyaan, isla markaana Puntland dhankeeda ay awoodeeda isugu geeyneyso sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Dagaalada ka dhacaya degaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye ayaa ah kuwo soo lab laabtay iyada oo dhowr jer ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan Maamulka Puntland.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada