QARAX:- Wararkii ugu dambeeyay Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay Abu Dhabi

QARAX:- Wararkii ugu dambeeyay Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay Abu Dhabi

daajis.com:- Ugu yaraan saddex ruux ayaa dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii saddex booyad oo shidaal wada ay ku qarxeen magaalada Abu Dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta, sida uu shaaciyay telefishinka Al Jazeera.

Waxaa laga shakisan yahay in qaraxyada ay ka dhasheen weerar loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

Falkan ayaa daba socday hadal kasoo baxay Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay in ay howlgal ka sameynayaan “xuddunta hoose” ee Imaaraadka Carabta.

Taliska booliska Abu Dhabi ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in saddex booyad oo nooca shidaalka daabula ah ay ku qarxeen agagaarka warshadda Musaffah oo u dhow xarumaha shidaalka lagu keydiyo ee shirkadda ADNOC.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in sidoo kale uu dab ka kacay meel dhisme ka socday oo ku taalla garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Abu Dhabi.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada