Ra'isul Wasaaraha Haiti oo ka badbaaday isku day dil

Ra'isul Wasaaraha Haiti oo ka badbaaday isku day dil

daajis.com:- Ra’isulwasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool lagu khaariji rabay, xilli uu ka qeybgalayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaas oo dhacday Sabtidi aanu kasoo gudubnay.

Bayaan xalay kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaare Henry ayaa lagu sheegay, in isku dayga dil ay ka danbeeyeen “burcad iyo argagixiso” kuaas oo isku dayay in ay toogtaan ra’isulwasaaraha xiili uu ku sugnaa kaniisadda magaalada Gonaives ee Waqooyiga Haiti, halkaas oo ay ka dhaceysay munaasabadda sannadguuradi 218-aad ee madax-bannaaniada Haiti.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka ridayeen bannaanka kaniisadda.

Warbaahinta Haiti ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku lug leeyihiin koox burcad ah. Hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada