Sawirro:- Haweeney ku umushay Suuli dayuuradeed oo ilmihii dhashay ku riday Qashin

Sawirro:- Haweeney ku umushay Suuli dayuuradeed oo ilmihii dhashay ku riday Qashin

daajis.com:- Shaqaalaha Garoonka dalka Mauritius ayaa ilmo yar oo dhowaan dhashay ka dhex helay baaldiga khashinka ee suuliga diyaaradda.

Haweeney 20 jir ah oo u dhalatay jasiiradda Madagascar, oo looga shakisan yahay inay dhashay intii ay diyaaradda hawada ku jirtay ayaa la xiray.

Diyaaradda Air Mauritius, oo laga leeyahay Madagascar, ayaa 1-dii bisha cago dhigatay Graoonka Caalamiga ah ee Sir Seewoosagur Ramgoolam.

Saraakiisha garoonka ayaa soo helay ilmaha kaddib komeerka caadiga ah ee ay ku sameeyaan diyaaradda.

Waxay arkeen waraaqaha suuliga oo dhiig uu ku yaallo, kaddibna waxay ilmaha yar ula carareen isbitaalka.

Haweeneyda la rumeysan yahay inay dhashay ilmaha yar, oo markii hore inkirtay, ayaa la mariyay baaritaan caafimaad oo xaqiijiyay inay iyadu dhashay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada