Wasiir uu hore Rooble xilka uga qaaday oo arimo culus banaanka soo dhigay

Wasiir uu hore Rooble xilka uga qaaday oo arimo culus banaanka soo dhigay

daajis.com:- Shakhsiga marka uu xil qabto waxa adkaata inuu dhib iyo dheef wixii qaranka u ah uu soo bandhigo inta uu xafiiska joogo balse marka laga qaado ama xilka uu ka tego ayuu soo bandhigaa waxyaabo qarsoonaa.

Bilo ka hor waxaa xilka laga qaaday Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud isagoo aan la ogeysiin shaqo ka diristiisa.

Waloow booskiisa durba uu la wareegay Cabdi Siciid Muuse Cali oo Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ka shaqeenayey sanado badan ayaa hadana Ex Wasiir C/risaaq uu banaanka keenay arimo laga qariyey shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed C/risaaq oo wareysi dhinacyo badan taabanayey siiyey Wariye C/xaafid ayaa ka hadlay arinta ciidan la sheegay in dawlada Masar usoo diri laheyd Soomaaliya oo la hor istaagay si nabada uga qeyb qaataan.

Ex Wasiir C/risaaq ayaa ku tilmaamay mid been abuur aheyd warkaasi isagoo xaqiijiyey in ay jirtay mudadii uu xafiiska joogay Wasaarada Arimaha dibada in Diyaarad deeq dawo ah usoo qaadi laheyd Soomaaliya la hor istaagay sabab uu ku sheegay in Masar iyo Itoobiya dagaal dhinaca webiga niil ka dhaxeeyey.

Arimahaasi iyo waxyaabo kale uu sheegay Wasiirkii hore ee arimaha dibada soomaaliya in loo qoonsaday masar uu xilka ku waayey ayuu faah faahin ka bixiyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada