Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Isxaaq Abshir ibraahim oo isku dhiibay

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Isxaaq Abshir ibraahim oo isku dhiibay

daajis.com:- Taliska ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad, ayaa soo bandhigay nin la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , balse kasoo tagay kooxdaasi iskuna soo dhiibay ciidanka xoogga.

Warbaahinta ciidanka dowlada ayaa baahisay in Isxaaq Abshir ibraahim Aadan oo katirsanaa Al Shabaab mudo 7-sano ah uu go’aansaday in kooxdaasi kasoo tago iskuna soo dhiibo ciidanka xoogga dalka uu xiriiro lasoo sameeyay.

Ninkan ayaa la sheegay in Al Shabaab u  qaabilsanaa karinta Raashinka iyo Jabhada, waxa uuna ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Deeganada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeellaha hoose ay ka mid yihiin Awdheegle, Janaale iyo lambar 50.




Isxaaq Absir ayaa warbaahinta dowlada u sheegey in Sababta ku kaliftey in Alshabab ka soo baxo isku soodhiibo Ciidanka Dowladda, ayaa sheegey ka dib markii uu arkey Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka ayaa marar badan soo bandhigay rag ay sheegeen in ay kasoo goosteen kooxda Al Shabaab, mana jiro wax war ah oo arrimahan kasoo saaraan kooxda Al Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada