Wasiirka Maaliyadda XFS “Ilaalinta miisaaniyadda dalka ayaan ku waayey kursigeygii xildhibaannimo”.

Wasiirka Maaliyadda XFS “Ilaalinta miisaaniyadda dalka ayaan ku waayey kursigeygii xildhibaannimo”.

daajis.com:- Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay doorashada kursigiisa ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku waayay miisaaniyadda dalka.

Wasiir Beyle oo warbaahinta la hadlaya ayaa yiri “Miisaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka inaan u maamulo si sharciyeesan oo adduunka ogahay dadban baa ku kala dhimannay, Asxaab badan baan ku waayay”.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in uu wax walba aan sharci aheyn uu iska diiday, taas ayaa loo sababeeyay inay sababtay in uu waayo kursigiisa.

Waxa uu kale uu yiri “si baan waxaa u arkay in kursigeyga iyo maaliyadda inay isku taabanayaan, qofkii uu Alle u calfa baa uun heli kara”

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka tirsanaa Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, waxa uu kale uu ka mid ahaa xildhibaanada aadka ugu dhaw Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada