WEERAR:- Xuutiyiinta oo weerar gantaalo ah ku qaaday Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka

WEERAR:- Xuutiyiinta oo weerar gantaalo ah ku qaaday Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka

daajis.com:-  Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in ay qabteen oo ay burburiyeen labo gantaal oo Balaastik ah oo magaalada Abu Dhabi ay rideen fallaagada Xuutiyiinta Yemen.

Weerarkan maanta dhacay ayaa ku soo beegmay todobaad ka dib markii ay Xuutiyiintu weerar kale oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaal ku qaadeen Abu Dhabi kaasoo ay ku dileen saddex qof oo rayid ah.

“Haraagii gantaallada ballistic-ga ah ee la qabtay waxay ku dhaceen meelo kala duwan oo ku xeeran Abu Dhabi,” ayay wasaaradda gaashaandhigga UAE ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Wakaaladda wararka ee WAM ayaa intaas ku dartay in ay diyaar u tahay inay la tacaasho khatar kasta oo ay… talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo gobolka.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay goor dambe oo Axad ah in gantaalka ballistic-ga ee Xuutiyiinta uu ku soo dhacay koonfurta boqortooyada, isagoo dhaawacay laba qof oo ka soo kala jeeda Bangladesh iyo muwaadin Suudaani ah, iyadoo ay waxyeello u geysteen gaadiid yaal aagga warshadaha.

Gantaal kale ayaa lagu qabtay oo lagu burburiyay Dhahram al-Janub, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay isbahaysiga.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay beegsadeen saldhigga hawada Abu Dhabi ee Dhafra iyo sidoo kale goobaha muhiimka ah ee aagga Dubai, iyadoo afhayeenka milatariga Yahya Saree uu ku sheegay bayaan laga sii daayay telefishinka in weerarku uu gaaray ujeeddooyinkiisa si sax ah.

“Waxaan diyaar u nahay inaan ballaarinno howlgalka oo aan sii xoojino,” ayuu Sarreeye hadalkiisa raaciyay.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay cirka Abu Dhabi oo iftiimay ka hor waaberiga isniinta, iyadoo dhibcaha iftiinka ay u egyihiin gantaalada wax kala qabanaya, wakaalada wararka ee Associated Press ayaa werisay..


Gantaalkan ayaa muddo saacad ku dhow hakad galiyay isu socodkii gagida diyaaradaha caalamiga ee Abu Dhabi, halkaasoo ay ku taallo minaarada dheer ee Etihad.

Imaaraadku waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga milatari ee Sucuudigu hoggaamiyo ee taageeraya dawladda Yemen ee dagaalka kula jirta xuutiyiinta muddada toddobada sannadood ah, colaadda ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiin qofna ku barakiciyeen, isla markaana ay dhaliyeen wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay bini’aadantinimo tii ugu xumayd ee adduunka.

Isbaheysiga ayaa horay ugu dhawaaqay in ay baacsanayaan dhaq-dhaqaaqyo cadawtinimo oo kaga imaanaya fallaagada Xuutiyiinta Yemen iyagoo isticmaalaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyagoo qaadaya tallaabooyin waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada si loo ilaaliyo rayidka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada