Axmed madoobe oo shir deg deg ah la yeeshay 5-tii xildhibaan maanta la doortay

Axmed madoobe oo shir deg deg ah la yeeshay 5-tii xildhibaan maanta la doortay

daajis.com:- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta duhurnimadii Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xildhibaanadii saaka lagu doortay Magaalada Kismaayo ee kamid noqonaya golaha shacabka ee BJFS.

Xildhibaanada cusub ayaa waxay kala hadleen Madaxweyne Axmed madoobe sidii looga shaqeyn lahaa hormarinta deegaanka Jubbaland.

Shanta Xildhibaan ee maanta Kismaayo lagu doortay oo dhamaantood rag ahaa waxaa ku jira C/rashiid Xiddig oo mar Axmed Madoobe ku coloobeen siyaasada balse markii dambe ay heshiiyeen.

Kursiga Xiddig waxaa Villa Soomaaliya urabtay in uu ku fadhiisto sanadkaan Cabdi Cali Raage oo ah Lataliyaha arimaha doorashooyinka Ee Madaxweyne Farmaajo balse waa la hor istaagay.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cabdixakiin xasan Ashkir oo raadinayey kursiga Hop#079 waxaa loo xiray Maxamuud Cumar Kuuloow oo Axmed madoobe 2019 cariiri gelin gaaray markii uu murashax unoqday Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kursigii uu raadinayey Taliyihii hore Nabad sugida Jubbaland Korneel Sahal Cabdullaahi Khaalid waxa uu si fudud ku siiyey siyaasiga Qaladiid oo maanta guuleystay.


5-ta xildhibaan ee maanta Kismaayo lagu doortay ayaa waxa ugu miisaan culus C/rashiid Xiddig oo af miishaar siyaasi ah ka ah Baarlamaanka Soomaaliya oo afar jeer kursigaasi kusoo laabtay,islamarkaana lagu tilmaamo ololeeye xilliga doorashooyinka jiraan.

Lama oga cida ay codadkooda xisaabsan doonta shanta xildhibaan ee guuleystay maanta,islamarkaana waxaa macquul in Siciid Deni ay taageeri karaan xildhibaanada kasoo baxay Jubbaland.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada