Beesha caalamka oo ka biyo diiddan boobka lagu hayo doorashada

Beesha caalamka oo ka biyo diiddan boobka lagu hayo doorashada

daajis.com:- Beesha caalamka ayaa ku howllan, sidii ay u joojin lahayd boobka hareeyey doorashada dalka, waana kuwa wal wal baahsan ka muujinaya, habka ay u socoto doorashada gollaha shacabka.

Mudadda kooban ee dib loo billaabay doorashada, waxey kulamo kala duwan la yeesheen madaxda maamul goboleedyada, si loo saxo dhaliilaha ragaadiyey kuraasta ilaa iyo iminka doorashadooda la qabtay.

 
Mid ka mid ah kulamadaas, ayey shalay la yeesheen hoggaamiyaha maamulka galmudug Qoor-qoor, iyagoo u bandhigay tabashada ka jirta doorashada, waxaana dhankiisa uu ballan qaaday, inuu doorashada kuraasta dhiman u qaban doono qaab daah-furan, inkastoo dhab ahaanshaha hadalkiisa aan la isku haleyn karin.

Xubnaha Beesha caalamka ee Qoor-qoor la kulmay, ayaa waxaa hor kacayey, ku xigeenka wakiilka  qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya Kiki Gbeho, waxaana fadhigaasi qodobbadii sida adag loogu lafa guray ka mid ahaa, saamiga haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda.

Beesha caalamka ayaa hore u sheegtay, in aysan aqbali doonin, in lagu xadgudbo, qoondada siyaasadeed ee haweenka, taas oo u muuqata mid ay iska indha tirayaan madaxda maamul goboleedyada.

Si kastaba, lama hubo waxa ay doorashada boobka ku socota, ka baddeli doonto, caddaadiska ay beesha caalamka ku hayaan maamullada iyo dowladda dhexe, waxaase laga dhursugayaa, natiijada dadaalada ay ilaa iyo iminka muujinayaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada