Booliska Galmudug oo ka hadlay iskahorimaad hubeysan oo xalay ka dhacay Dhuusamareeb

Booliska Galmudug oo ka hadlay iskahorimaad hubeysan oo xalay ka dhacay Dhuusamareeb

daajis.com:- Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay iskahorimaad hubeysan oo dhex martay ciidamo ilaalo u ah Musharaxiinta kuraasta golaha shacabka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay saxaafada ayaa ka warbixiyay shaqaaqadan wxana uu sheegay in ay ka bilaabatay tuhun la xiriira Telefoono la dhacay, balse si dhaqso ah loo xaliyay.
 

“Saraakiisha ciidamada khilaafku dhex maray ayaa kala dhexgalay ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay,waxaana lagu xirey saldhigga booliska askarta bilaabay fowdada”ayuu yiri taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo.

Waxa uu shirka jaraa’id ku sheegay taliyaha saldhigga in musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku sugan Caasimadda Galmudug ee wata ilaalada aan laga aqbali doonin in gudaha magaalada ku ridaan rasaas dabaal-deg ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada