Ciidamada KENYA oo qarax culus lagula beegsaday Lamu

Ciidamada KENYA oo qarax culus lagula beegsaday Lamu

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya lagula eegtay gobolka Xeebta Laamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib ay rasaas fureen ciidmada Kenya ee la qarxiyey.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin xoogan, kadib qaraxa lalal beegsaday.

Sidoo kale ciidmada Kenya ayaa sameeyey qaraxa, kadib howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha ka baxsaday.

Al-Shabaab oo dhankeeda guulo ka sheegatay weerarkan waxa ay shaacisay in halkaasi ay ku dileen ugu yaraan 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, sidoo kalena ay gubeen baabuur ka mid ah kolonyada ay wateen.


Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada dalkaasi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada