Cali Guudlaawe oo la kulmay Sarkaal ka soo horjeeday maamulka Hirshabelle

Cali Guudlaawe oo la kulmay Sarkaal ka soo horjeeday maamulka Hirshabelle

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la kulmay sarkaal ka tirsanaa koox ka soo horjeeday maamulkiisa dagaalna la galay ciidamada Booliska Hirshabelle.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa maanta kula kulmay madaxtooyada magaalada Beledweyne Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen isagoo uu la socdo nabadoono caan ka ah gobolka Hiiraan.

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in sarkaalkan oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo hore guddoomiye ku xigeen uga soo noqday gobolka Sh/dhexe inuu ka raaligeliyay maamulka Hirshabelle qaladaad uu hore u sameeyay uuna diyaar u yahay inuu la shaqeeyo.

Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda hore uga soo horjeeday maamulka Hirshabelle ee kacdoonka ka waday Bariga magaalada Beledweyne iyo Kornel Nuur Dheere.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dhawaan la kulmay nabadoono iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Xawaadle waxaana la sheegay in kulankaas uu Madaxweynuhu ku ballanqaaday inuu fulin doono tabashada ay qabaan.

Hase yeeshee mid kamid ahaa nabadoonadii la kulantay madaxweynaha ayaa la diley xilli uu ku sii jeeday gurigiisa kadib kulanka Madaxweynaha.


Dilka nabadoonka ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab waxana uu maamulka Hirshabelle sheegay inay baarayaan dilkiisa ayna cadaalada horkeeni doonaan ciddii ka dambeysay dilka nabadoonka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada