DAAWO: Gaalkacyo oo cagta saartay wadada hormar, kaddib soo afjarida Shabakadihii Al-Shabaab

DAAWO: Gaalkacyo oo cagta saartay wadada hormar, kaddib soo afjarida Shabakadihii Al-Shabaab

daajis.com:- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Xariga ka jaray Dhismaha Laami Cusub oo dheerarkiisu ku dhowyahay 1-KM, oo laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Laamiga oo si casri ah loo dhisay ayaa laga hirgilyay wadada Guurre iyo suuqyaraha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhismihiisa iska kaashaday Mashruuca JPLG, iyo Bulshada udhow agagaarka Laamiga.

Hormar weyn ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo, oo mar aheyd astaanta colaada Soomaaliya, iyo magaalo ay haldoorkeeda ay ugaarsato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladaas ku daabushay ciidammo fara-badan iyo sirdoon, kuwaas oo suuragaliyay in gacanta lagu dhigo Shabakaddo kamid ah Al-Shabaab oo 13 sano ka wadday magaalada dilal qorsheysan, weeraro iyo qaraxyo.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada