XOG: Farmaajo oo qorshe dhabar ka jebin la damacsan murashaxiinta la tartameysa

XOG: Farmaajo oo qorshe dhabar ka jebin la damacsan murashaxiinta la tartameysa

daajis.com:- Madaxweyne Farmaajo ayaa dabino hor leh la damacsan siyaasiyiinta murashaxiinta u ah Madaxweynaha dalka ee sanadkaan isa soo taagay taas oo xogo hoose la ogaaday kuwaramayaan.

Qorshe la dejiyey ayaa ah sidii loo qaban lahaa kulan ay iskugu imaanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaanada qaar ee dooran balse aan weli la dhaaran baarlamaanka 11aad Soomaaliya.

Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay kulankaasi waa in lagu shar jebiyo Labo shariif,Labo xasan,Daahir Geelle,C/raxmaan C/shakuur iyo murashaxiinta kale.

Mahdi Guuleed Khadar oo qudhiisa Xildhibaan dooran u ah golaha shacabka ayaana loo xilsaaray isku keenida 50 mudane oo katirsan Aqalka sare iyo golaha shacabka kuwooda kasoo jeeda Gobollada wuqooyi.

R/wasaare kuxigeenka Dalka Abuukaato Mahdi Guuleed oo waayihii dambe saacadiisa inay uwareegtay loo maleenayey dhinaca Rooble xafiiskiisa ayaa mar kale isa soo mutaxi kara isagoo la safan Farmaajo iyo kooxdiisa.

Xildhibaanada gobollada wuqooyi kasoo jeeda waxaa hogaan u ah oo lagala soo xiriirayaa codkooda Mahdi guuleed,waana mid ka mid ah shakhsiyaadka udub dhexaadka u ah doorashada Gudoonka Baarlamaanka labada aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

Hore Guuleed waxa uu usheegay wareega koobaad in lagu kala adkaan doono doorashada Madaxweynaha Soomaaliya,inkastoo markii dambe uu ka laabtay culeysyo badan la saaray awgeed.

Farmaajo iyo Fahad ayaa ku tashan kara 50 Xildhibaan oo Gobollada wuqooyi,50 kale oo ay ka heli karaan Koonfur galbeed,Hirshabelle iyo Galmudug ka imaan kara.

100 xildhibaan toos ah ayey xisaab ahaan isku dhufsadeen taas oo ka dhigan in mar kale uu xukunka kusoo laaban karo waa hadii aysan ku dhicin siriqdii Xasan sheekh maxamuud lagu sameeyey 2017-dii markii habeenkii doorashada dhaceysay ka hor 100 xildhibaan kabadan uu Hotel SYL ku shirayey ballan qaad usameeyeen balse ballanta uga baxeen markii hoolka doorashada la gaaray.


Ma cada cida calfan karta doorashada soomaaliya madaxweynaha cusub hadana waxaa la saadaalin karaa in nabad iyo nolol ay siyaasad aragti fog ah ciyaareyso,iyadoo meesha laga saari karin in ay jiri karaan dhul seexasho ay sameyn karaan xubno ka ag dhaw Farmaajo dibna kaga bixi kara qorshaha la isku ogaa.

Siyaasadu hore ayaa loo yiri malaha saaxiib joogta ah balse waxay leedahay dan joogto ah,taas oo ka dhigan in qofkii jeebka buuran uu guusha udhaw yahay mar kasta.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada