Reer Galbeedka oo qaaday tallaabadii ugu ciqaabta adkeyd ee uu Putin ka baqayey

Reer Galbeedka oo qaaday tallaabadii ugu ciqaabta adkeyd ee uu Putin ka baqayey

daajis.com:- Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub ayaa Sabtidii qaaday tallaabadii ugu adkeyd ee dhaqaale ahaan loo ciqaabayo Ruushka, ayaga oo soo saaray liis cusub oo xayiraado ah.

Hase yeeshee, tallaabooyinka la qaaday ayaa waxaa ugu weyn in Bankiyo badan oo Ruush ah laga saaray nidaamka SWIFT ee isku xira Bankiyada caalamka, taasi oo Ruushka ka go’doomineysa dunida inteeda kale maaliyad ahaan.

Waxay sidoo kale wiiqeen awoodda Bankiga Dhexe ee Ruushka uu u leeyahay inuu xoojiyo lacagta dalkaas ee loo yaqaan ruble, taasi oo sarkaal sare oo Mareykan ah uu sheegay in qiimaheeda uu dhulka ku hooban doono.

Reer Galbeedka ayaa sidoo kale ka digay inay ugaarsan doonaan, doomaha, diyaaradaha, baabuurta, guryaha raaxada iyo hantida kale ee ay ganacsatada shidaalka ka taajiray ee Ruushka ku leeyihin caalamka.

In Ruuska laga saaro nidaamka SWIFT waa tallaabadii ugu adkeyd ee madaxweyne Vladmir Putin uu ka baqayey, isaga oo horey u sheegay inay la macno tahay “dagaal lagu iclaamiyey Ruushka.”

Tallaabadan ayaa waxaa taageeray Mareykanka, Canada, Midowga Yurub, Britain, France, Germany iyo Italy. Waxaa sidoo kale kusoo biiray dalal uu ka mid yahay Japan.

Saameynta ayaa durba laga deeramayaa Ruushka, ayada oo lacagta dalkaas uu qiimaheeda hoos u dhacay, sidoo kale sicir-barar deg deg ah la dareemay, halka qof kasta isku dayayo inuu lacagtiisa u beddesho dollar ama Euro.

Bayaan ay soo saareen ayey Reer Galbeedka ku sheegeen inay ka go’an tahay inay xayiraado cusub soo rogaan, taasi oo burburin doonta dhaqaalaha Ruushka.


“Waxaan garab taaganahay, siina wadi doonnaa inaan taageerno shacabka Ukraine ee wajahaya daqiiqaddoodii ugu madoobeyd,” ayey ku yiraahdeen bayaanka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dagaalka Ukraine sii xoogeysanayo, xilli ciidamada dalkaas ay muujinayaan adkeysi iyo difaac adag, ayada oo xaaladda ay mid sidii la maleynayey ka adag ku noqotay ciidamada Ruushka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada