Dhacdo:- Haweenay Canada tuug ku weeraray oo si khaldan fariin ugu dirtay booliska Ingiriiska

Dhacdo:- Haweenay Canada tuug ku weeraray oo si khaldan fariin ugu dirtay booliska Ingiriiska

daajis.com:- Haweenay tuug soo weeraray oo isku dayday in fariin ay caawimaad ku dalbanayso u dirto booliska magaaladeeda ayaa fariintii waxa ay u dhacday boolis dal kale.

Kooxda booliiska Durham, England, ayaa waxaa khadka internetka kula xiriirtay haweeney ka warbixisay tuug soo galay gurigeeda oo ku yaala Durham, Canada.

Waxay u qortay fariin ay ku tiri “caawin baan u baahanahay, guriga ayuu joogaa ” ka hor inta aanay aamusin.

Booliska Durham oo ogaaday qaladka haweeneyda ayaa la xiriiray dhigooda Canada, waxaana 30-daqiiqo ka dib ninkii ku weeraray haweenayda guriga lagu xiray meel u dhow gurigeeda.


Afhayeen u hadashay booliiska Durham ayaa sheegtay in qadka telefoonka uu si toos ah u furnaa ayna wadahadalka tooska ah kula xiriireen saraakiisha Canada ee gobolka Ontario, kuwaas oo isla markiiba boolis u diray goobta ay dhacdadaan ka dhacay ee magaalada Ajax.

bbc






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada