Dhageeyso:- Afhayeenka Farmaajo oo beenisay inay wax ka ogtahay heshiiska Xirmooyinka Shidaalka

Dhageeyso:- Afhayeenka Farmaajo oo beenisay inay wax ka ogtahay heshiiska Xirmooyinka Shidaalka

daajis.com:- Qoraal la soo dhigey bogga Facebook ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaysan Madaxtooyada waxba ka ogeyn heshiiska uu galay wasiirka batroolka taasoo la xiriirta 7 xirmo oo shidaal ah. Hase yeeshee wasiirka batroolka ayaa sheegay in heshiiskan uu gacan ka siiyay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa u qorna sidan;

WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooyinka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka
Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEEYSO







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada