Dibad-bax weyn oo maanta ka dhacay GEDO + Ujeedka

Dibad-bax weyn oo maanta ka dhacay GEDO + Ujeedka

daajis.com:- Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa maanta dhigay dibad-bax cabasho ah, waxayna isugu soo baxeen degmada Beledxaawo, iyaga oo socdaal ku tegay agagaarka xadka dalka Kenya.

Dibad-baxaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga soo horjeeday in la boobo doorashada kuraasta 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.

Shacabka dhigayey dibad-baxa oo ahaa kuwa careysan ayaa ku qaylinayey erayo ay ka mid yihiin, Musuq-maaquq doonimeyno, Dollar qaate Dooni meyno iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyey maamulka Axmed Madoobe oo garab ka helaya Kenay inay hortaagan yihiin doorashada gobolka Gedo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Garbahaarey ay nabad tahay, isla-markaana ay ka dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn dibad-baxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, iyaga oo ka dalbaday in aysan u Hogaansamin go’aanka Jubbaland.

Doorashada Garbahaarey ayaa waxaa hareeyey murano xoogan, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay, sida loo wajahayo doorashadaas oo ka mid ah Golaha Shacabka.


Si kastaba, xaaladda ayaa kasii dartay markii dhowaan Jubbaland ay shaacisay in doorasho aysan ka dhici karin Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada