Kenya oo ka walaac ka muujisay heshiiskii shidaal baarista Soomaaliya

Kenya oo ka walaac ka muujisay heshiiskii shidaal baarista Soomaaliya

daajis.com:- Kenya ayaa markii ugu horreeysay waxaa ay ka hadashay heshiiskii Shidaal baarista Soomaaliya ee dhawaan uu sheegay Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed in uu la saxiixday Shirkad laga leeyahay dalka Mareykanaka, kaas oo Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ay qaadaceen.

Kenya waxaa ay sheegtay inay ka walaacsan tahay in Soomaaliya ay qandaraasyo shidaal ka bixiso aagga lagu muransan yahay, isla markaana heshiiskaas uu sii kordhinayo muranka soohdinta badda ee labada dal u dhaxeeyay.

Diplumaasi diiday in Magaciisa la xigto ayaa sheegay in Kenya ay isha ku heeyso waxa ka socda Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay yihiin arrimo quseeyo dhankooda korna ay kala soconayaan.


Muran badeedkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaartay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2021, iyada oo Soomaaliya u xukuntay dhul baddeedkii lagu muransanaa, balse Kenya aysan ku qancin xukunkaas.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada